Kooxda Barcelona oo ciyaaryahan iyo lacag kaash ah isku daraysa si ay ula soo wareegto xiddig ka tirsan Manchester City

0
142

Jowhar(Radio Isnaay)- Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa la soo warinayaa inay qorsheynayso inay Naadiga reer England ka soo qaadato xiddigeeda Bernardo Silva oo ay xagaagan keento garoonka Camp Nou.

Xiddiga xulka qaranka Portugal ayaa weli boos joogto ah ka haysta markale kooxda Tababare Pep Guardiola xilli ciyaareedkan, waxaana uu u saftay 52 kulan tartammada oo dhan oo ay ku jiraan 34 kulan oo uu ciyaaray horyaalka Premier League.

25-sano jirkaan ayaa bandhig cajiib ah sameeyey intii lagu guda jiray kal ciyaareedka 2019-20, inkastoo uu ka maqnaa safka hore kulankii ay Jimcihii ka horjeedeen Real Madrid ee Champions League.

Sida ay warinayso Jariiradda The Telegraph, Barca ayaa si dhow ula socota horumarrada uu sameynayo kubbad abuurahan, iyadoo dalab ay ku doonayso inay kula saxiixato xiddigan ka gudbin karta suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaagan.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in kooxda reer Catalan ay ku dhibtoon doonto inay awood u siiso xiddiga reer Portugal heshiis lacag caddaan ah oo toos ah, laakiin ay u soo bandhigi karaan inay ciyaaryahan ku daraan heshiiska, iyadoo daafaca dambeedka midig Nelson Semedo heshiiska qeyb looga dhigi karo.

Bernardo ayaa u soo dhaqaaqay garoonka Etihad xagaagii 2017-kii, waxaana uu kaga soo biiray dhinaca kooxda Monaco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here