Ciyaariyahaano kamid ah Atlantico Madrid Oo Laga Helay Fayraska Karoonaha.

0
149

Jowhar ( Radio-Isnaay ) Kooxda Atletico Madrid oo ka mid ah siddeeda kooxood ee iskugu soo hadhay tartanka UEFA Champions league ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in laba xubnood oo kooxdeeda ka tirsan laga helay caabuqa koorona fayras.

Kooxda Atletico Madrid ayaa arbacada August 12 waxay kulanka siddeed dhamaadka Champions League la balasan tahay kooxda horyaalka Jarmalka ee RB Leipzig laakiin maalmo kooban ka hor kulankan waxay kooxda reer Spain shaacisay war naxdin ku noqday jamaahiirta kooxdeeda.

War saxaafadeedka ka soo baxay kooxda Atletico Madrid ayaa lagu kala shaacin haddii labada xubnood ee kooxdeeda ee laga helay cudurka karoona fayras in ay ciyaartoy yihiin iyo haddii ay shaqaalaha tababarka ka mid yihiin iyada oo la qariyay aqoonsiga labadan shaqsi.Iyada oo la raacayo tilmaamaha caafimaad ee UEFA u dhigtay kooxaha qaybta ka ah tartamada Yurub, waxaa baadhitaan lagu sameeyay dhamaan ciyaartoyda iyo shaqaalaha tababarka kooxda Atletico Madrid.Markii uu baadhitaanku soo baxay ee ka hor kulanka Champions League ee RB Leipzig waxay kooxda Atletico si rasmi ah u shaacisay in laba qof oo kooxdeeda ka tirsani ay positive u noqdeen caabuqa karoona fayras.

Markii la ogaaday in labadan qof ay sidaan fayraska karoonaha, waxaa kooxda inteeda kale looga saaray si gooni ah iyada oo la karantiilay laakiin walwalka ugu wayn ayaa ah in ay jiri karaan shaqsiyaad kale oo ay kulmeen labadan qof oo iyaguna cudurkan sidi kara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here