Booliska Hong kong Oo Xabsiga dhigay Maalqabeen u Janjeera Dhanka Dimquraadiyada.

0
138

Booliska Hong Kong ayaa xiray maalqabeen u janjeera dhanka dimuqraadiyadda oo lagu magacaabo Jimmy Lai. Waxaa la aaminsan yahay in Mr Lai uu yahay qofka ugu heerka sareeya ee la xiray tan iyo markii Hong Kong lagu soo rogay sharciga cusub ee qaranka ee muranka badan dhaliyay.

Mr Lai ayaa waxa uu taageeray dibadbaxyadii dimuqraadiyad doonka ahaa ee sannadkii hore hareeyay Hong Kong.

Bishii Febraayo, 71 sano jirka mogul ayaa waxaa lagu soo eedeeyay shirar sharci darro ah iyo cabsi gelin inkastoo markii dabe damaanad lagu soo daayay.

“Jimmy Lai ayaa loo xiray isku dhac dhex maray isaga iyo quwado ajaanib ah, sidaasi waxaa sheegay Simon, oo ah maamulaha shirkadda warbaahinta Lai ee Next Digital.Booliska Hong Kong ayaa sheegay in toddobo qof oo looga shakiyay iney jabiyeen sharciga amniga qaranka xabsiga loo taxaabay balse weli lama xaqiijin in todobadaasi qof uu ka mid yahay Mr Lai.

Jimmy Lai lacagta uu haysta waxaa lagu qiyaasaa ilaa 1 bilyan oo doolar.Wargeyska uu aasaasay ee Apple Daily, ayaa si joogta ah u dhaliila Hong Kong iyo hogaanka Shiinaha.

30-kii bishii June markii la mel-mariyay sharciga amniga, ninkan ganacsatada ah ayaa waxa uu BBC-da u sheegay in sharciga uu horseedayo geerida Hong Kong.

Waxa uu ka digay in Hong Kong ay noqon doonto goob musuq daashaday sida dhul weynaha Shiinaha, sababto ah waxa uu yiri: “Dadka ganacsatada halkan iyada oo aysan jirin sharci difaaco ma heli doonaan ammaan la isku haleyn karo.”

Wareysi kale oo uu siiyay wakaaladda wararka ee AFP, waxa uu Mr Lai ku yiri:” Waxaan u diyaar garoobay xabsi. Haddii ay taasi dhacdana, waxaan heli doonaa fursad aan ku akhriyo buugaag aanu weligey akhrin.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here