Bayern Munich Oo Gurigeeda Ku Dubatay Chelsea Iyo Robert Lewandowski Oo Rikoodh Cajiib ah Dhigay.

0
153

 Bayern Munich ayaa sidii la filayay iska xaadirsay wareega sideed dhamaadka Champions League ka dib markii ay 4-1 uga badiyeen Chelsea iyagoo wadar ahaan ku garaacay Blues 7-1 madaama ay 3-0 ku soo badiyeen lugtii hore ee Stamford Bridge.

Kooxda Bayern Munich ayaa wareega sideed dhamaadka ku balansatay Barcelona oo iyagana ka soo talaabsanaya Napoli kulanka caawa.

Robert Lewandowski ayaa rikoodh dhigay isagoo noqday xiddigii ugu horeeyay ee Bayern Munich ee 13 gool ka dhaliya hal ciyaareed Champions League isaga ayaana hogaaminaya gooldhalinta Champions League.

Lewandowski ayaa sidoo kale ceebeeyay Blues oo iska qaban weysay madaama uu dhaliyay ama caawiye ka noqday todobada gool ee ay Bayern Munich ku xasuuqday Chelsea labada lug ee wareega 16ka.

Todoba daqiiqo ayay ku qaadatay kooxdii martida loo ahaa ee Bayern Munich inay fursad u hesho qabashada hogaanka ciyaarta markii rigoore loo dhigay iyadoo goolhaye Caballero uu cagta ka qabtay Lewandowski. Markii hore waxaa la moodayay offside laakiin Emerson ayaa offside-ka ka saaray Lewandowski.

Waxaa rigoorada u soo istaagay isla Robert Lewandowski oo hogaaminaya gooldhalinta Champions League isagoo gool u sarifay islamarkaana hogaanka u dhiibay Bayern Munich.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here