Sevilla Oo Taariikh Layaab leh ka Dhigtay Tartanka Koobka Europe League iyo Kooxaha Ka Qeyb Galaayo Tartankaan Oo ay Wel wel Ku Abuurtay.

0
153

Jowhar- ( Radio-Isnaay) Kooxda taariikhda layaabka leh ku haysata koobka Europa League ee Sevilla ayaa markale u soo baxday siddeed dhamaadka tartankan kadib markii ay guuldaro xun u xambaarisay kooxda AS Roma.

Kooxda Sevilla ayaa shantii jeer ee hore ee ay soo gaadhay siddeed dhamaadka UEFA Cup/Europa League waxay ku soo guulaysatay koobkan taas oo ka dhigaysa kooxdan mid halis wayn ku ah Man United iyo Inter Milan.

Sevilla waxay taariikh ayna koox kale lahayn ku haysataa Europa League laakiin qaabka awooda leh ee ay AS Roma uga cidhibtirtay tartankan waxay walwal ku abuuraysaa kooxaha waa wayn ee Manchester United iyo Inter Milan ee ka mid ah kooxaha wareega xidiga u soo gudbay.

Guusha ay Sevilla ka gaadhay Roma waxay sidoo kale sabab u noqotay in kooxda Lazio ay si rasmi ah ugu soo baxday tartanka Champions League maadaama oo ay sugaysay haddii ay Roma ku guulaysan karto Europa League markaas oo ay Lazio seegi lahayd u soo bixitaanka Champions League.

Burburkii ay Sevilla u gaysatay AS Roma waxa uu noqday fariin wayn oo si toos ah ugu dhexday quluubta kooxaha waa wayn ee tartankan qaybta ka sii ah kadib markii ay 2-0 ku garaacday Roma laakiin waxay Sevilla dhalin kartay shan gool ama wax ka badan maadaama oo ay laba jeer birta garaceen hal goolna laga diiday.

Sevilla waxay siddeed dhaamadka Europa League kula biirtay kooxaha waa wayn ee Man United, Inter Milan, Bayer Leverkusen iyo Shakhtar waxaana sidoo kale jira kooxo kale oo wareegan u soo baxay balse laga awood badan yahay.

Kooxda Bayer Leverkusen ayaa iyaduna caawa tartanka Europa Leauge ka cidhibtirtay kooxda uu Steven Gerrard hogaaminayo ee Rangers FC.

Kooxaha Man United iyo Inter Milan ayaa markii hore loo arkayay in ay yihiin kooxaha koobkan ugu cad cad laakiin mar haddii ay Sevilla soo dhaaftay Roma waxay ka mid noqonaysaa kooxaha koobka loo saadaalinayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here