Arthur Melo Oo Go’aan Cusub Qaatay Iyo Waxa Iska Badalay Khilaafkii Heerka Kala Gaadhay Ee Dhex Maray Madax Wayne Bartomeu.

0
149

Muddooyinkii la soo dhaafay waxa uu khilaaf wayni ka dhex qarxay xidiga bixitaankiisa Barcelona hore loo shaaciyay ee Arthur Melo iyo madax waynaha Barca ee  Josep Maria Bartomeu kadib markii uu xidiga reer Brazil hore u diiday in uu ku soo laabto Camp Nou si uu kulamada Champions league u ciyaaro.

Laakiin Arthur Melo ayaa badalay go’aankii khilaafka wayn keenay waxaana hadda la shaaciyay in saacadaha soo socda uu soo gaadhayo Barcelona si uu wada xaajood ula yeesho  Josep Maria Bartomeu iyo maamulkiisa ee ka bixitaanka Barcelona.

Arthur Melo ayaa la kulmi lahaa ciqaab adag haddii uu ku sii adkaysan lahaa go’aankii hore ee uu ku diiday in uu soo laabto taas oo keentay in  Josep Maria Bartomeu uu si adag uga hadlay.

Josep Maria Bartomeu oo hore uga hadlay go’aankii Arthur Melo uu ku gaadhay in aanu soo laaban intii aanu isbadalka samayn ayuu Bartomeu ku yidhi: “Maaha wax la aqbali karayo, waa fal anshax xumo sababtoo ah ma jirto sabab cudur-daar u noqon karaysa inuu kusoo laaban waayo kooxdiisa waqtigan anaga oo ciyaarayna Champions League.” Ayuu yidhi Bartomeu.

Madaxweynaha Barcelona waxa uu ku hanjabay inay ganaax iyo xayiraad ba kusoo rogi doonaan xiddigan, waxaanu yidhi: “Waxa jiri doonta nooc xayiraad iyo ganaax ah. Wali sababta nooma sheegin, kaliya wuxuu sheegay ina tahay go’aan isaga oo jooga Brazil, dibna uma soo laabanayo.”

Laakiin war hadda soo baxay ayuu wargayska Sport ee magaalada Barcelona ka soo baxaa ku shaaciyay in Arthur Melo uu badalay go’aankiisii hore isla markaana uu saacadaha soo socda soo gaadhi doono Barcelona.

Arthur Melo waxa uu haystaa fursad uu qaab fiican ugu dhamaysan karo maalmaha kooban ee uga hadhsan heshiiska uu Barcelona kula dhamaysanayo xili ciyaareedkan maadaama oo laga iibiyay kooxda Juventus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here