Shirkadaha Facebook iyo Twitter Oo masaxay macluumaad khaldan oo uu Trump soo dhigay Akoonadiisa.

0
154

Shirkadaha baraha bulshada ee Facebook iyo Twitter ayaa tallaaba ka qaaday madaxweynaha Mareykanka kadib markii uu baraha bulshada soo dhigay muuqaal la xiriira wareysi uu siiyay telefishenka Fox News oo uu ku sheegay “in caruurta uusan karin feyraska corona”.

Facebook ayaa tirtay qeyb kamid ah muuqaalka wareysiga, waxayna arrintaas ku sababeysay marin habaabin khatar oo dhanka cudurka Covid19.

Tallaabo taas lamid ah ayaa waxaa qaaday Twitter oo sheegtay inay xanibtay dhowr akoon oo lala xiriirinayo Trump, xanibadaasina ay sii jiri doonta ilaa iyo inta ay ka saarayaan macluumaadka “khaldan” ee ay soo geliyeen.

Hey’adaha caafimmaadka dadweynaha ee dalka Mareykanka ayaa horay u sheegay in aysan jirin caddeymo muujinaya in caruurta ay iska difaaci karaan cudurka safmarka ah.

Afhayeen u hadlay shirkadda Facebook ayaa sheegay in muuqaalka “ay ku jiraan macluumaad khaldan oo dhigaya in qaar kamid ah dadka uusan ku dhici karin cudurka taas oo aan u aragno inay tahay xadgudub ka dhan ah siyaasadaha inoo degsan ee la xiriira marin habaabinta khaldan”.

Waa markii ugu horeysay oo shirkadaha ugu waaweyn dhanka baraha bulshada ay hawada ka saaraan xog uu soo dhigay baraha bulshada ee madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here