Munaasabad ay ku qalin badalanayeen Arday kaqalin jibisay Dugsiga Sare ee Iskuulka Sheikh Hassan Barsane  oo Maanta lagu qabtay Jowhar.

0
173

Xafladaan oo ahayd mid ay ku qalin badalanayeen Ardeyda fasalka 12-aad ee Dugsiga sare ayaa waxaa kasoo qeyb galay  Mas’uuliyiin Katirsan Maamulka Hirshabeelle, Maamulka Gobolka Shabeellaha dhexe, Duqa Magaalada Jowhar, Macalimiin,  Waalidiin iyo arday  waxaana uu ujeedkeedu ahaa sidii loo dhiiri galin lahaa Ardayda Dugsiga sare dhameysatay ee isu diyaarinaya in ay Bilaabaan Jaamacadaha Dalka.

Dhaman kasoo qeyb galayaashii Xafladda ayaa Goobta ka soo jeediyay kalmado goobaabin u badnaa  Waxaana ugu horeyn Goobta ka hadlay Maamulka Dugsiga Shiikh Xasan Barsane  ee Magaalada Jowhar Axmed Cabdi Maxamuud  waxaana uu sheegay in  Ujeedka Munaasbadda ay tahay in lagu dhiiri geliyo Ardayda dhameysatay Dugsiga sare ee haatan isu diyaarinaya in ay Bilaabaan Waxbarashada Heerka Jaamacadeed isagoo Ardayda kula dardaarmay in ay dadaalkooda halkan ka sii wadan.

Warbixintaan waxaa inoo soo Jeedineeysa:-  Xaliimo Cali Ibraahim.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here