Man City Oo Si Rasmi Ah U Dhamaystirtay Saxiixa Nathan Ake Iyo Kalluumeysiga Guardiola Ee Suuqa Iibka Oo Si Buuxda U Bilawday.

0
164

Jowhar – ( Radio – Isnaay) Manchester City ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay dhamaystirtay difaacii hore ee kooxda Chelsea ee Nathan Ake kaas oo ay hadda kala soo wareegtay kooxda heerka labaad u dhacday ee Bournemouth.

Man City oo xalay ku dhawaaqday in ay kooxda Valencia kala soo wareegtay xidiga garabka weerarka ka ciyaara ee Torres ayaa 24 saacadood kadib waxay hadda markale dhamaystirtay heshiiska Nathan Ake oo ay 41 milyan gini kula soo saxiixatay.

Nathan Ake ayaa maanta ka gudbay tijaabada caafimaadka Manchester City wuxuuna qalinka ku duugay heshiis waqti dheer ah oo shan sanadood ah isaga oo noqday saxiixii labaad ee ay Man City samaysay 24 saacadood gudaheed waxaana xalay waqtigan oo kale lagu dhawaaqay heshiiskii Ferran Torres.

Difaacii hore ee Chelsea ee Nathan Ake  ayaa markii uu heshiiska u saxiixay Man City waxa uu ka hadlay dareenkiisa wuxuuna yidhi: “Imaatinkayga halkani waa riyo ii rumowday. Tani waa koox sare oo ay ka buuxaan ciyaartoy heer caalami ahi. Meel kasta oo aad kooxdan ka eegto waxaa jooga magacyo waa wayn”.

Nathan Ake oo ka hadlaya Guardiola ayaa yidhi: “Pep waa tababare aduunka oo dhan loogala dhacsan yahay. Waxa uu ka soo qabtay ciyaaruhu naftooda ayay u hadlayaan. Guulaha uu soo gaadhay waa kuwo aan la rumaysan karin, waxaa xaqiiqdii i soo jiitay hanaankiisa ciyaareed”.

Agaasimaha ciyaaraha Man City ee Txiki Begiristain oo isna markiisa hadalka qaatay ayaa yidhi: “Nathan waa difaac tayo leh, waxa uu ahaa hogaamiye waqtigiisii Bournemouth waxaanan ku faraxsanahay in aanu isaga halkan keenay”.

“Isagu wuu xoogan yahay oo uu deg deg badan yahay, waxaanu aaminsanahay in uu leeyahay xirfadii iyo astaamihii maskax fiicnaan ee looga baahnaa in uu la qabsado Pep” ayuu Txiki Begiristain hadalkiisa raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here