Kooxaha Manchester United Iyo Inter Milan Oo Afka Ciida U Daray LAZK iyo Getafe.

0
171

Jowhar – ( Radio – Isnaay ) Kooxaha Manchester United iyo Inter Milan ayaa iska xaadiriyey wareegga siddeeda ee tartanka Europa League, kaddib markii ay ka kala adkaadeen kooxaha LAZK iyo Getafe. Red Devils ayaa 2-1 ku garaacday LAZK, halka Inter Milan ay ciyaar lug kali ahayd oo ay Getafe iskaga hor yimaaddeen ay ku badisay 2-0.

Manchester United ayaa u gudubtay wareegga siddeed ee tartanka Europa League kaddib markii ay 2-1 ku garaacday kooxda reer Austria ee LAZK, taas oo ay lugtii hore kusoo garaacday 5-0.

Red Devils ayaa garoonkeeda Old Trafford kusoo dhoweysay kooxda yar ee LAZK oo ay hore ugu soo awood sheegatay, waxaanu tababare Ole Gunnar Solskjaer isbeddel weyn ku sameeyey safkiisa isaga oo fadhiisiyey ciyaartoygiisii joogtada ahaa.

LAZK ayaa gool la hormartay bilowga qaybtii labaad ee ciyaarta, waxaana kubbad koorne ahayd uu tiigsan kari waayey Sergio Romero madaxa ugu dhaliyey Philipp Wiesinger, laakiin Manchester United ayay ku qaadatay laba daqiiqadood oo kaliya inay jawaab degdeg ah ka bixiso goolka, waxaana gool u dhaliyey Jesse Lingard oo kubbad uu ka helay Juan Mata si toos ah ula galay xerada ganaaxa kaddibna dhinac ka dhigay goolhaye chlager.

Ciyaarta oo ay dhamaadkeeda laba daqiiqadood oo kali ahi ka hadhsan yihiin ayay Manchester United goolka guusha heshay, waxaana u dhaliyey Anthony Martial oo beddel kusoo galay qaybtii dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here