Maamulka Degmada Balcad Oo Wada Dadaalo Wax loogu Qabanaayo Dadkii ka Soo Barakacay Fatahaadaha Webiga Shabeelle.

0
170

In ka badan 25 Tuulo oo katirsan Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa looga barakacay  Fatahaada Webiga Shabelle  iyado Saameyn dhanka nolasha ah uu ku yeehshay ku dhawaad 15 kun oo barakac ku ah xaafadaha Degmada balcad iyo Deeegaano ku dhaw.

Gudoomiyaha arimaha bulshada Degmada Balcad ee Gobolka Shebeellaha Dhexe Maxamed Cabdullahi   Axmed oo wareysi siiyey Idaacada Isnaay ee Magaalada Jowhar ayaa Faah faahiyey Saameeynta Fatahaada wabiga uu ku yeeshay Deegaano katirsan Degmada Balcad waxa uuna tilmaamay in ay wadaan Dadaalo wax logu qabanaayo Dadka soo barakacaya.

Warbixintaan Waxaa Inoo Soo Jeedinaaya:- Cabdi Casiis Xasan Cabdulle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here