Kooxda Kubadda Cagta Jobkey Ee Magaalada Jowhar Oo Guul Taariikhi ah Ka Gaadhay Dhigeeda Sahan Koobka Horyaalka Koobaad Ee Hirshabeelle.

0
167

Jowhar ( Radi-Isnaay ) Ciyaartaan oo ka tirsaneyd Horyaalka Koobaad Ee Hirshabeelle ayaa Waxaa  Ku Tartamaayay Kooxaha Sahan Iyo Jobkey Waxaana Ciyaarta ay ku Bilaabatay Dar dar Weerar iyo Weerar Celis ah Waxaana Qeybtii Koobaad Ee  ciyaarta oo Socotay Mudo 34 Daqiiqo ah Goolka Koobaad Ee Ciyaarta Dhaliyay Laacibka Kooxda Jobkey Weerarka Uga Cayaara Ee Xasan Muxudiin ( Xasan Hero)

Waxaay ciyaarta sii socotaba waxaa Durba ay wiilasha Jobkey Arkeen Tabar darida ka Muuqatay Cayaartoyda Sahan waxaana ay Markale Xoojiyeen Weerarka aan Kala Go’a Lahayn Ee ay Ku Bartilmaamedsanayeen Goolka Sahan Waxaana Markale Shabaqa Sahan Goolkiisii Labaad Ku Hubsaday Weeraryahaan Xasan Muxudiin (Xasan Hero) xili ay Ciyaartu Socotay 42 Daqiiqo oo kaliya.

Guux ayaa is qabsaday Gudaha Garoonka Waxaana la arkaayay Taageerayaasha Kooxda Kubadda Cagta Ee Jobkey oo Ku Damaashaadaaya Tarabuunka Garoonka Waxaana Ciyaarta ay Noqotay Laba Gool iyo Waxba Oo ay Jobkey Ku Hogaamineyso.

Macallinka Kooxda Sahan Maxamed Roose Gaduudow ayaa Bilaabay inuu Wax ka Badalo Qaab ciyaareedka Kooxdiisa waxaana La arkaayay isaga oo Wiilashiisa Ku Canaananaya in ay Difaaca adkeeyaan sidoo kalana Dadaal u galaan sidii ay uga jawaabi lahaayeen Goolasha lagu leeyahay.

Waxaana ugu Dambeyn lagu kala Nastay Qeybtii Koobaad Ee Ciyaarta 2 – 0  oo ay Jobkey Ku Hogaamineyso waxaana dib leysugu Soo Laabta Gudaha Garoonka iyadoo Koox Walba ay wadatay Dar-daaran ay kasoo Qaateen Macallimiintooda.

Markii qeybtii labaad Ee Ciyaarta Leysugu Soo Laabtay ayaa Waxaa Kooxaha ay Soo Bandhigeen Ciyaar Qurux Badan Waxaana koox waliba ay bilowday Sidii ay Wax kale uga Badali Lahayd Ciyaarta.

Ugu Dambeyna waxay ciyaarta 90 kii Dqiiqo Ee loogu Tala Galay kusoo idlaatay 2 – 0 oo ay Guusha Ku Raacday Kooxda Joobkey Oo Noqotay Kooxdii ugu Horeysay Ee Guul Gaarta Tan iyo Markii la Furay Tartanka Horyaalka Koobaad Ee Hirshabbeelle oo ay ku Wada tartamayaan Kooxaha Kala ah Jowhar star Kulmuis Farjano Shabeelle Sahan Iyo Jobkey oo Kamid ah Kooxaha Heerka Koobaad Ee Magaalada Jowhar.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here