Tabaraha Kooxda Barcelona Setien Oo Wada Sidii Uu Wax Uga Badali Lahaa Kooxdiisa Kulanka Napoli.

0
134

Jowhar (Radio-Isnaay) Barcelona ayaa isku diyaarinaysa kulanka guusha ama geerida u noqon kara ee Napoli oo ah kulanka lugta labaad ee tartanka Champions League wuxuuna kulankani ku soo beegmayaa waqti xaasaasi ah oo ay Barcelona xaaladu xun ku jirto.

Barcelona waxay heshay ogolaanshaha UEFA ee in kulanka lugta labaad ee Champions league ay ku ciyaari doonto Camp Nou waxayna kulankii lugtii hore ee wareega 16ka Champions League ay gool marti ah ku soo dhalisay garoonka Napoli.

Tababare Setein waxa uu ogyahay in kulanka Napoli uu noqon doono kulankiisii ugu danbeeyay ee Barcelona haddii ay ku fashilmaan in ay soo gaadhaan sideed dhamaadka Champioins League.

Wargayska Sport ayaa daabacay in Setien uu ku soo shir tagi karo taatiko khadka dhexe uu muhiimada kowaad siin doono taas oo u qaabaysnaan karta 3-5-2 oo ah saddex difaac ah shan khadka dhexe ah iyo laba weerarka ah.

Barcelona waxay sanado aad u badan ku soo ciyaaraysay 4-3-3 waana shaxda ay koobabka tirada badan ugu soo guulaysatay laakiin Setien ayaa ku soo fashilmay in uu qaabkii taatikada Barca wax ku soo gaadho.

Setien waxa uu saddexda difaac ah u soo xulan karaa sida warkan lagu sheegay Gerard Pique, Clement Lenglet iyo Nelson Semedo.

Shanta khadka dhexe waxaa ku soo baxay Frankie De Jong, Sergi Roberto, Ivan Rakitic iyo waliba da’yarka saamaynta layaabka leh soo yeeshay ee Riqui Puig laakiin Jordi Alba iyo Roberto waxay ku xisaabsanaan doonaan khadka dhexe iyaga oo difaac danbeedyo ahaan ku ciyaari doona.

Labada weerarka waxa uu Setien u soo xulan karaa Lionel Messi iyo Luis Suarez waxaana soo baxay war kale oo shaxdan sii xaqiijinaya oo ah in Messi uu helo fursad badan oo uu weerarka ku joogi karo oo aan khadka dhexe ugu laaban si uu kooxda guul u gaadhsiin karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here