Kooxda Kubadda Cagta Napoli oo weyn karta Lorenzo Insigne kulanka Champions League ee ay wajahayaan Barcelona

0
152

jowhar(Radio Isnaay)-Kooxda kubadda cagta Napoli ayaa weyn karta adeegga xiddigeeda weerarka uga ciyaara ee Lorenzo Insigne marka ay Jimcaha u safrayaan Barcelona, halkaasoo ay kula soo ciyaarayaan lugta labaad ee wareegga 16-ka Champions League.

Kooxda ayaa xaqiijisay in Kabtankeeda uu la dhibtoonayo dhaawac seedka lugta ah oo soo gaaray kulankii ay 3-1 uga adkaadeen Lazio Axaddii.

Lorenzo Insigne ayaa rigoore goor hore u dhaliyey kooxdiisa kulankaas, laakiin xanuun ayaa looga saaray ciyaarta daqiiqadihii ugu dambeeyey.

Kooxda ka dheesha horyaalka Serie A ayaa sheegtay in 29-sano jirkaan si dhow loola socon doono xaaladdiisa ka hor kulanka ka dhacaya garoonka Nou Camp.

Bayaan ka soo baxay kooxda oo lagu faafiyey Website-ka rasmiga ah ee kooxda ayaa lagu sheegay in tijaabooyinkii la mariyey Lorenzo Insigne ay xaqiijinayaan inuu la dhibtoonayo dhaawac seedda lugta ah iyo dhaawac muruqa boqdada bidix ah.

Waxa ay qormadeeda kooxda Napoli raacisay inuu ku dhaawacmay kulankii ay la ciyaareen Lazio, isla markaana xaaladda laacibkan si dhow loola socon doono maalmaha soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here