Heshiis Qarsoodi ahaa oo ay Kooxda Real Madrid u soo Bandhigtay Robert Lewandowski oo la Shaaciyay.

0
153

Jowhar ( radio Isnaay)   Waxaa ugu danbayn faah faahin rasmi ah laga helay qodobada heshiiskii ay Real Madrid u soo bandhigtay Robert Lewandowski  iyo waliba lacagtii uu mushaar ahaan uga qaadan lahaa Santiago Bernabeu haddii lagu guulaysan lahaa qandaraaskii la dhamaystiray balse fashilka ku soo idlaaday.

Sanadkii 2013 kii waxay Real Madrid diyaarisay heshiis dhamaystiran oo ay kula soo wareegaysay Robert Lewandowski  laakiin muddo uu qarsoonaa waxaa ugu danbayn la daabacay faah faahinta qodobadkii xidiga reer Poland uu ku noqon lahaa ciyaartoy Madrid ah.

Waxaa heshiiska la daabacay ee Robert Lewandowski ku jira lacagta uu mushaar ahana u qaadan lahaa, lacagaha gunooyinka uu ka heli lahaa Madrid iyo muddada uu qandaraaskiisa Bernabeu dhici lahaa.

Heshiiskan waxaa la sameeyay December 2013 kii laakiin markii ay maamulka Florentino Perez hor dhigeen Lewy, waxa uu markaasba heshiis afka ah la sii gaadhay kooxda uu wali ka tirsan yahay ee Bayern Munich taas oo keentay in heshiisan hadda la daabacay ee Estadio Santiago Bernabeu ka yimid uu guuldaro ku dhamaaday.

Heshiiskan waxaa daabacay wargayska dalka Poland ka soo baxa ee  Onet Sport oo ah dalka uu Lewandowski dhalasho ahaan ka soo jeedo, waxaana heshiiskan ku xusan qodobo xaasaasi ah.

Heshiiskii Real Madrid ee Lewandowski waxaa ku jira in xidiga reer Poland uu mushaar ahaan sanadkii u qaadan lahaa  9,609,590 euros waxaana lagu xusay in heshiiskii December 2013 kii la qoray uu dhici lahaa June 2020 iyada oo waliba la cusboonaysiin kari lahaa.

Arinta kale ee xiisaha badan leh ee heshiiskan lagu arkay ayaa ah in Real Madrid ay qandaraaskii Lewandoski ee fashilmay ay ku durtay in xidiga reer Poland uu heli lahaa 10,957,650 euros oo ah lacag uu ku heli lahaa in uu si xor ah ugu soo biiri lahaa Madrid balse taas badalkeeda waxa uu doortay Bayern Munich.

Waxa kale oo heshiiskan lagu arkay waxyaabo qariib ah oo Lewandowski loogu diiyay in uu sameeyo waxaana ka mid ahaa in aanu fuulin baaskiil, doonyaha mishiinka leh, buuro fuulista iyo waxyaabo la mid ah iyada oo loo arkay in ay Madrid ka taxadaraysay in uu sameeyo waxyaabo halis caafimaad galin kara.

Waqtiga ay Real Madrid diyaarisay heshiiska la soo bandhigay ee Robert Lewandowski waxay ahayd lix bilood oo kaliya ka hor waqtigii uu dhacayay heshiiskiisii  Borussia Dortmund laakiin waxa uu ku soo beegmay xili uu Lewy go’aan ku gaadhay in uu Bayern la sii galay heshiis afka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here