Arsenal Oo Markii 14 Aad Ku Guuleysatay Koobka FA ga Iyo Chalsea Oo Waji Gabax lakulantay.

0
175

Jowhar (Radio- Isnaay) Arsenal ayaa ku guuleysatay koobkeedii 14aad ee FA Cup ah, kaddib markii ay 2-1 ku garaacday Chelsea oo ay finalka iskugu soo hadheen, taas oo u ogolaatay inay si toos ah uga soo qayb-galaan tartanka Europa League ee xili ciyaareedka soo socda.

Mikel Arteta ayaa u dabbaal-degay koobkiisii ugu horreeyey ee waayihiisa tababarenimo, waxaanay ku qaadatay lix bilood inuu Gunners ku hoggaamiyo koobkii ugu horreeyey tan iyo 2017kii, waxaanu ku hor damaashaaday Frank Lampard oo isaguna xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyey hoggaaminaya Chelsea, isla markaana finalkii ugu horreeyey yimid.

Chelsea ayaa ka naxsatay Arsenal daqiiqaddii shanaad ee bilowga ciyaarta, waxaana gool qurux badan u dhaliyey Christian Pulisic, laakiin ka daba yimid Aubamayeang oo rikoodhe lagu galay goolka barbarraha kooxdiisa ku siiyey.

Laacibka reer Gabon ee Auabameyang ayaa ciyaarta oo ay 23 daqiiqadood ka hadhsan tahay goolka labaad ee guusha u horseeday u dhaliyey kooxdiisa Arsenal.

Chelsea ayaa waxay eersatay dhaawacyo  burburiyey qorshihii uu Frank Lampard kusoo galay, waxaana qaybtii hore iyo bilowga qaybta labaad dhaawacyo lagaga saaray Cesar Azpilicueta iyo Christian Pulisic, halka kaadh casna uu ku baxay laacibka khadka dhexe ee Mateo Kovacic.

Arsenal ayay guusha FA Cup u tahay waxtar weyn, waxaanay jeebadda ku shubanaysaa lacag ka badan 30 milyan oo Gini iyo fursad ay ka heshay Europa League oo ay si toos ah uga qayb-geli doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here