Kooxda Barcelona Oo isku diyaarineysa kulanka UEFA Champions League ee Napoli.

0
159

Jowhar (Radio Isnaay)- Kooxda Barcelona ayaa maanta tababarka kooxdeeda dib ugu heshay xiddigaha kala ah Antoine Greizmann iyo Ousmane Dembele xilli laga sii faaloonayo haddiiba ay diyaar u noqon doonaan kulanka UEFA Champions League ee Napoli.

Kooxda tababare Quique Setien ayaa 8-da bishan August soo dhawayn doonta Napoli kulanka lugta labaad ee wareega 16-ka ee Champions League xilli lugtii hore oo 1-1 kusoo dhammaatay uu Antoine Greizmann gool u saxeexay oo ay haystaan faa’idada ah inay gool marti kusoo dhaliyeen.

Greizmann iyo Dembele ayaa labaduba seegay qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkan gaar ahaan kulamadii horyaalka La Liga iyadoo uu Greizmann dhaawac bawdada ahi gaadhay isla markaana uu Dembele maqnaa ilaa bishii January.

Sida uu sheegayo wargeyska Mundo Deportivo, xiddigaha ree France ayaa maanta si wada jir ah uga qayb qaatay tababarka kooxdooda iyagoo raacaya sharciyada tababarka ee xanuunka Korona.

Fursada ay labadan ciyaaryahyan u haystaan kulanka Napoli ayaa ah mid kala duwan, Greizmann ayaa ciyaartaas kasoo muuqan kara oo wakhti ka qaadan kara halka Dembele ay adkaan doonto maadaama oo uu mudo dheer garoomada ka maqnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here