Manghester City Oo War Farxadleh Kala Kulantay Dalabkii ay Ka Gudbisay Daafaca Kooxda Bournemouth.

0
214

Jowhar (Radio Inaay)-Kooxda kubadda kubadda cagta Manchester City ayaa war wanaagsan u soo yeeray, iyadoo laga soo qablay dalabkii ay ka gudbiyeen daafaca Bournemouth ee Nathan Ake.

Naadiga Sky Blue ayaa laga soo aqbalay dalab ku kacayey 41 milyan oo gini oo ay ka gudbisay daafaca kooxda Bournemouth ee Nathan Ake, waxaana la filayaa in maalmaha soo aaddan la dhammaystiro heshiiskan.

Bournemouth ayaa soo aqbashay dalabka ay daafacan dhexe ee Nathan Ake ka soo gudbisay kooxda kaalinta labaad ka gashay horyaalka Premier League ee Manchester City.

Xiddiga reer Holland ayaa haatan qarka u saaran inuu wadahadallo shaqsi ah la galo kooxda ka dhisan garoonka Etihad, iyadoo la filayo in heshiiskan la soo gabagabeeyo maalmaha yar ee soo socda, isla markaana uu daafacan u wareego dhinaca Manchester City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here