Fatahaada Webiga Shabelle ayaa sanadkan Saameyn xoogan ku yeeshay Qoysas Dan yar ah iyo wax Soo saarkii Beeraha ee Gobolkani Shabellaha Dhexe.
Deegaanada hoostaga Degmooyinka Jowhar, Mahadaay iyo Balcad ayaa inta badan la dhibatonaaya Fatahaada iyadona wali ay jirto Cabsida in markale uu Webiga Fataho.
Masuulyiin katirsan Maamulka Hirshabelle ayaa gaaray qaar katirsan tulooyinka uu Saameyey fatahaada Wabiga ayago garsiiyey Jawaano looga Hortago fatahaada.
Warbixintaan Waxaa Inoo Soo Jeedinaaya:- Cabdi Casiis Xasan Cabdulle.