Gudoomiyaha Degmada raagaceele Oo Baaq Udiray Wasaarada Cafimaadka Hirshabeelle

0
155

Degmada Raage Ceele waxa ay ka mid tahay degmooyinka gobolka shabellaha dhexe waxa ay xiligan u baahantahay goobo caafimaad oo ay ugu horeyso xarunta hooyada iyo dhalaanka.

inta badan haweenka Uurka Leh ayaa la kulma Dhibaatooyin Badan oo ay ugu weyntahay dhiig baxa waqtiga foosha inta lagu Safraayo Wadada u Dhaxeysa magalada muqdisho iyo degmada raaga ceele sida uu idaacadda isnaay u sheegay Gudoomiyaha Maamulka Degmada Raage ceele Cumar Cali Nuur.

Gudoomiye Cumar Cali Nuur ayaa Wasaaradaha Caafimaadka Hirshabeelle Iyo Mida Dowlada Federaalka ah ka Dalbaday in laga Taageero Maamulkooda Dhinaca Caafimaadka.

Degmada Raaga Ceelle ayaa hada u muuqata Mid kasoo kabaneyso Burburkii Dhinacyada kala Duwan Ee Adeegyada Aas Aasiga ah ka soo Gaaray Dagaaladii Sokeeye waxaana magaalada ay ku Tilaabsaneysaa Horumar Dhinac Walba leh marka laga Reebo Dhinaca Caafimaadka oo ahada u baahan Gacan qabasho deg deg ah.

Warbixintaas waxaa inoo soo jeedinaya:-Cabdi Casiis Xasan Cabdulle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here