Qaar ka mid ah Ganacsatada iibiya digaaga ee magalada Jowhar Oo Maamulka Hirshabelle ka Dalbaday in Loo Dhiso Goob Ay Ku Ganacsadaan.

0
194

Halkan waa seylada lagu iibiyo digaaga ee magalada jowhar ganacsato ubadan dhallinyaro ayaa nolashooda ku maareeya ka ganacsiga digaaga ama doorada ayago qarkoodna u iibgeeya magalada muqdisho seylada lagu iibiyo waa mid mashquul badan iyado xiliyada roobka ay da,aan suuqa uu noqdo mid dhiiqo iyo biyo dhiga.

qaar ka mid ah ganacsatada iibiya digaaga ee magalada jowhar ayaa ka warbixiyey baahiyaha ka jira suuqa ayago maamulka hirshabelle ka dalbaday in loo dhiso Goobo lagu iibiyo doorada……………..

Dhallinyaro badan ayaa ku dhiiraday oo shaqo abuur ka sameystay ka ganacsiga digaaga ayago nolashooda iyo mid qoyskooda ku maareeya waxana soo yaranaaya dhallinyaradii aadijirtay tahriibta madamaa ay la imanayaan hal abuur ganacsi oo naftooda iyo degaankuba waxtar uleh.

Warbixintaas waxaa inoo soo jeedinaya:-Cabdi Casiss Xasan Cabdulle.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here