Wasaarada Caafimaadka Hirshabeelle Oo Sheegtay In ay Diyaarisay Qalab ay Ardayda Imtixaanka Shahaadiga galaya uga Hortagaan Xanuunka Covid 19.

0
200

Waxaa Maalmaha nagu soo aadan Ardayda Dugsiyada Sare Ee Shahaadiga ah ay ufarisan doonan Imtixaanka Dowlada xili lagu gudi jiro xalad adag oo Cudurka Covid19 ah Waxaa Wasaarada Caafimaadka Dowlad Goboleedka Hirshabelle ay Ardayda Deegnada Hirshabelle Ee udiyaar garoobay Imtixaanka Shahaadiga ugu baaqday in ay Qaataan Talooyinka Caafimaad si loo ilaaliyo Faafitaanka Cudurka Dilaaga ah Ee Covid19 .

Wasiir Dowlaha Caafimaadka Maamulka Hirshabelle Dr Muxudiin Muqtaar ayaa fariin Wacyogellin ah lawadaagay Ardayda Deegaanada Hirshabelle Ee galaya imtixaanka Shahaadiga ah isaga Oo Sheegay in Wasaarada ay Diyaarisay Agabkii looga hortagaayay Covid19 Ee ay isticmaali lahayeen Ardayda.

Warbixintaas waxaa inoo soo jeedinaaya:-Cabdi Casis Xasan Cabdulle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here