Buulo Waraay waxa ay Hoos timaada Magaalada Jowhar Ee Caasimadda Hirshabeelle waxaana Saameyn Xoog leh ku yeeshay Fatahaada Webiga Shabeelle kaa oo Sababay in dadka ay ka Barakacaan Guryahooda Halka Qaar ka Kalana Ay Awoodi waayeen iney Ka Baxsadaan Biyaha Oo ay Halkaasi Ku Go’doonsanyihiin.
Guudomiyaha Tuulada Buulo waraay Ooyaaye Jeeloow Jimcaale oo Wareysi siiyay Idaacada Isnaay ayaa ka hadlay xaalada Tuulada waxana uu xusay in Biyaha Webiga Shabeelle ay Cagta Mariyeen in ka badan kun Hektar oo ku Beernaa Dalagyada kala Duwan.
Sidookale Gudoomiyaha ayaa Maamulka Gobolka kan Hirshabelle Iyo Hay’adaha waxa uu ka Codsaday in Gar gaar Bani aadannimo lagaarsiiyo Dadka ku nool Buula Waraay.
Warbixintaan waxaa inoo Soo Jeedinayo:– Cabdi Wali Axmed Hilowle.