Mid ka mid ah odoyaasha xoolodhaqatada ku nool degmada  jowhar ayaa ka warbixiyay dhaqashada xoolaha noocyadooda kala duwan

0
149

Gobalka shabeelaha dhexe waxaa laga  dhaqdaa  xoolo  isugu jira Geel,Aricad ,ido Lo iyo dameero qaarka mid ah xoolahaas  waxeey  daaqaan meelaha keeymaha ah oo geedaha badan si ay u helaan daaq fiican halka kuwa qaar lagu dhaqdo meelaha wabi mareenka iyo buulooyinka.Geela iyo ariga-cadka waxeey daaqaan dhulka keeymaha leh ee  geedaha badan  halka idaha ,loda iyo dameeruhu ay daaqaan dhulalka joogoodu hooseeyo ee u badan beeraha iyo agagaarka wabiga.

Faarax Axmed Awmaxamuud  waa mid ka mid ah odoyaasha  xoolodhaqatada ku nool jowhar iyo agagaarka degmada mahadaay wuxuu sharxayaa xoolaha laga dhaxdo shabeelaha dhexe

Faaxax ayaa sheegay inuu geelu yahay xoolaha ay soomalida ku weeyntahay waxaana loo isticmaalaa gaadiid ahaan inkastoo dadka dhaqda aysan ka maarmin inaay arigana dhaqdaan madaama aan neef geel ah loo isticmaali Karin iibintii waxyaabaha yar yare e qutul daruugiga

Xoolaha Qaarkood markeey guraan waxaa loo Raraa meelaha banaanka ah ee kore waxaana loo yaqaan fooreey oo macnaheedu tahay in xoolahaas ay yihiin kuwa guran ah

Warbixintaas waxaa inoo soojeedinaaya:-Maryamo Sheikh Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here