Maamulka Degmada Mahadaay  Oo ka Hadlay Saameynta Fatahaada Webiga Shabeelle ku Yeeshay Deegaano Hoostaga Degmadaas.

0
230

Tuulooyinka Diinlaawe,.Masuur iyo  Duduble ayaa ka mid ah halka ay dib ugu soo laabteen Fatahaadaha wabiga shabeelle iyadoo biyaha  ay galeen  in kabadan 20 Tuulo Oo Hoostagta Degmada Mahadaay Ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Fatahaada yaa Cagta marisay  guud ahaan Dalagyadii ku beernaa Deegaanadaasi  Waxaana ku dhawaad 500  qoys oo kunaalaa Tuulada Diinlaawe ay gabi,ahaanba ka barakacay marlabaad todobaadkan gudahiisa Sida uu Sheegay Axmed Xuseen Afrax oo ah Gudoomoiyaha Degmada Mahadaay.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa ka Codsaday Hey’adaha Samafalka  iyo Dadka Alle wax siiyay in loo Gurmado Dadka ku nool Tuulooyinka Hoos Taga Degmada Mahadaay  oo Qaarkood ka barakacay halkii ay Ku Noolaayeen.

Warkaas Waxaa inoo Soo Jeedineysa Maryama Sheikh Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here