Madaxweynaha Kenya oo shaaciyay in dhowaan Dalkaasi laga qaadi doono Xayiraadaha Xanuunka Covid-19 ee Saaran Dalkaasi.

0
251

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shaaciyay in dhawaan si rasmi ah uu uga qaadi doono xayiraadaha saaran wadankiisa ee loo soo rogay sababo la xiriira yaraynta khatarta cudurka Coronavirus oo kiisas badan laga diiwaan gelisay dalkaas.

Isaga oo ka qayb galayey shir looga hadlayay xoojinta ganacsiga Afrika iyo Mareykanka ayaa madaxweyne Uhuru waxaa uu balan qaaday in si deg-deg ah dib loogu furi doono duullimaadyada gudaha dalka Kenya, halka waqti ay qaadan karto, sida uu sheegay in dib loo furo duullimaadyada caalamiga ah ee dalkaas.

Guud ahaanba Ganacsatada Kunool Dalkaasi ayaa waxaa saameyn xoog leh ku yeeshay xayiraadaha dowladda ay soo rogtay, iyadoo isu socodka duullimaadyada gudaha uu fursad u noqon karo si ay ganacsigooda usii wataan.

Dad gaaraya illaa 6,070 ayey wasaaradda caafimaadka Kenya shaacisay in dalkaasi uu ku soo ritay COVID-19, iyadoo tirada dadka ka bogsaday ay gaarayaan 1971 qofood, halka ay Kenya cudurkaas ugu dhinteen 143 qofood.

Kenya oo weli wajaheysa khatarta xanuunkan ayaa Madaxda Sare ee Dalkaasi waxaa ay il gaar ah ku eegayaan daruufaha dhaqaale ee dadkeeda soo wajahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here