Kiisaska Caabuqa Coronavirus ee dalka Pakistan oo sii kordhaya.

0
274

Warka soo baxay Dalka Pakistan Maanta oo Isniin ah ayaa lagu sheegay in ay diiwaangelisay 3,557 kiis oo ah coronavirus cusub 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo 49 ay tahay dhimashada cusub, sida lagu sheegay xog rasmi ah.

Marka lagu daro Kiisaska cusub tirada guud ayaa gaartay ilaa 206,512-xaaladod, taasoo dalkaasi ka dhigtay wadanka 12-aad adduunka oo dhan marka laga hadlayo kiisaska covid-19 Sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka, tiradaasi waxay muujisay hoos u dhac ku dhawaad 3,000 oo ah rikoorkii ugu sarreeyay oo ahaa 6,895-kiis.

Caasimada dalka ee Islamabad oo malaayiin ruux ku noolyihiin ayaa hadda waxa ay la ciirciireysaa xaaladu isbiirsaday, iyadoo dowladda Pakistaanay  sheegtay in  isbadal ay ka  samayn doonto Kahortagga Caabuqa Covid-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here