WHO iyo Ra,iisul Wasaaraha UK oo soo dhoweeyey natiijada daawada cudurka Covid-19.

0
206

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa soo dhawaysay natiijada tijaabada daawada dexamethasone, taasoo dili karta ama hoos u dhigeysa dhimashada dadka qaba cudurka COVID-19  gaar ahaan kuwa xaaladaha culus ku jira.

Agaasimaha guud ee WHO Tedros Adhanom  ayaa guul weyn oo la gaaray ku tilmaamay natiijada daawadan, isagoo u mahad celiyay boqortooyada dowladda Ingiriiska khubaradii soo bandhigay natiijada ee jaamacadda Oxford iyo bukaanadii lagu tijaabiyay.

“Tani waa daaweyntii ugu horreysay ee la muujiyo in lagu dhimayo geerida bukaannada qaba COVID-19  ee u baahan oksijiin ama hawo, waa war aad loogu farxo waxaan u hambalyeynayaa Dowladda Boqortooyada Midowday ee UK, Jaamacadda Oxford,  isbitaallada iyo bukaannada tijaabadan ka qeyb qaatay horumarkan sayniska ah ee lagu badbaadinayo nafaf badan” ayuu yiri agaasimaha guud ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus.

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa soo dhoweeyay guusha natiijada daawadaan, isagoo amaanay horumarka ay seynisyahanada UK ee ka qeyb qaatay soo bandhigida natiijada daawada dexamethasone.

Wasiirka caafimaadka UK Matt Hancock ayaa isna sheegay in horumarka ay soo bandhigeen  qubarada ay muujineyso in UK ay ku guuleysaneyso dagaalka ka dhanka ah Coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here