Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dalka oo kaqeybgalay Shirka Wasiirada Dalxiiska ee Dalalka Carabta.

0
312

Wasiirka warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka ah ee Dalka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ay wehliso agaasimaha dalxiiska wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Farxiyo Samaan Maxamed ayaa ka qeyb galay shirka Wasiirada dalxiiska  ee dowladaha Carabta.

Shirkaan oo ku dhacay habka muuqaalka Internet ka ayaa  looga hadlay saameynta cudurka Covid-19 uu ku yeeshay dalxiiska iyo qaabka looga soo kabanayo Dhibaatooyinkii uu Geystay.

Mas’uuliyiinta Carbeed ee shirka ka qeyb-galay ayaa waxaa ay sheegeen inay mar walba garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed isla markaana mar uun ay Soomaaliya  dalxiis ku imaan doonaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here