Xidigii hore ee kooxda Liverpool Philippe Coutinho oo wada dadaal uu ku doonayo in uu dib ugu soo laabto kooxdii uu qaabka xun kaga baxay ee Reds kadib markii uu ku fashilmay labadii xili ciyaareed ee uu ku soo qaatay kooxaha Barcelona iyo Bayern Munich.

0
255

Philippe Coutinho ayaa iska diiday in uu Liverpool u ciyaaro si uu qasab uga dhigo in Barcelona laga iibiyo sanadkii 2018 kii laakiin markii uu Klopp helay ciyaartooy uu ku ilaawi karo Coutinho waxa uu ogolaaday in xidiga reer Brazil uu ku biiro Barcelona.

Laakiin waqti adag oo uu Philippe Coutinho ku soo qaatay kooxda Barcelona waxay taasi keentay in amaah lagu siiyay kooxda uu hadda ka tirsan yahay ee Bayern Munich oo dhamaadka xili ciyaareedkan doorasho u haysatay in ay 120 milyan yuro kula wareegto balse maamulka Bayern Munich ayaa iska diiday in ay si rasmi ah u iibsadaan Coutinho.

Boqolkiiba boqol ayaa hubaal laga dhigay in Philippe Coutinho uu xiriir la soo sameeyay Jurgen Klopp isla markaana ay wada hadaladu socdaan sidii uu Anfield ugu soo laaban lahaa.

Nooca heshiiska uu Philippe Coutinho ugu soo laabanayo ayaa lagu sheegay in uu noqon doono mid amaah ah isla markaana ayna wax dhibaato ahi ka jirin lacagta heshiiska amaahda ah ee ay Liverpool siin doonto kooxda Barca.

Liverpool waxay kooxdeeda ku haysataa Sadio Mane, Roberto Firmino iyo Mohamed Salah oo lama taabtaan ah laakiin haddana waxaa la filan karaa in Klopp uu heli karo qaab uu Coutinho u soo dhex galin karo shaxdiisa hadiiba ay dhacdo oo uu aqbalo soo laabashada xidigan ka shalaynaya go’aankii uu Anfield kaga baxay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here