WHO oo Sheegtay in kiisas Cusub oo Feyrus ah laga helay Magaalada Beijing ee Dalka Shiinaha

0
153

Hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO  ayaa sheegtay in inkabadan 100  kiis oo cusub laga diiwaan geliyay Caasimadda Beijing ee Dalkaasi Shiinaha  Muddo ka badan todobo Isbuuc ayaa Beijing waxaa Fayruska Korona laga helayay oo keliya dadka dibadda kasoo laabtay Mike Ryan Madaxa WHO u qaabilsan xaaladaha caafimaad ee deg degga ah ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin kiisaska kasoo cusboonaaday Caasimadda Shiinaha ee Beijing “Waxaan rabnaa inaan aragno jawaab deg deg ah oo ku aadan faafitaanka cusub iyo tallaabooyin wax ku ool ah,” ayuu yiri Mike Ryan.

Kiisaska cusub ayaa lala xiriiriyay suuqa jumlada ee ugu weyn Beijing oo la yiraahdo Xinfadi Warbaahinta maxalliga ah ee Dalkaasi  ayaa sheegtay in Fayruska lagu arkay sagxadaha lagu jarjaro kalluunka dibadda laga keeno  taasoo keentay in dukaamada waaweyn ee caasimadda ay khaanadahooda ka saaraan hilibkaasi cad Waxaa shaqada laga eryay maamulaha guud ee suuqaasi iyo mas’uuliyiin kale oo maxalli ah Hase yeeshee Mike Ryan ayaa ka digay in Fayruska loo saariyo kalluunka ama bacaha lagu xiro.

Mas’uuliyiin kale oo caafimaadka ah ayaa tilmaamay in Fayruska uu ka iman karo meelo kale sidaana lagu faafiyay Madaxa xanuunada faafa ee Xarunta Xakameynta Cudurrada ee Shiinaha ayaa sheegay in nooca Fayruska laga helay Beijing uu ka duwan yahay kan ku faafay dalkaasi qeybihiisa kale  WHO ayaa ugu baaqday Shiinaha inuu la wadaago xogta Fayraska Suuqa ayaa la xiray gelinkii hore ee Sabtida  waxaana bandow lagu soo rogay xaafadaha u dhaw goobtaasi Isniintii Beijing ayaa diyaarisay ku dhawaad 200 oo goobood oo dadka looga baaro Fayruska waxaana lala xiriiray ku dhawaad 200,000 oo qof oo tan iyo dhammaadkii May oo booqday suuqaasi  sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Shinwua Waxaana la xiray goobaha ciyaaraha iyo iskuulo badan oo caasimadaasi ku yaal Walaaca laga qabo in mar labaad uu  Fayruska Korona ku faafo Shiinaha ayaa kusoo beegmay xilli ay caadi kusoo laabaneysay nolosha caasimadda Beijing ee Dalkaasi Shiinaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here