Kiisaska Caabuqa Korona ee Dalka Iiraan oo Sare ukac Laga Dareemayo.

0
255

Dalka Iraan todobaadyadii la soo dhaafay waxaa sare u kacayay tirada kiisaska fayraska karona taasi oo abuurtay cabsi ah in dalku uu mar kale wajihi karo mowjad labaad oo ah Covid-19 Iiraan ayaa bartamihii bishii Abriil bilowday in ay dabciso xayaaridihii saarnaa kadib markii hoos u dhac laga dareemay dadka cudurka qaadaya Kiisaska cusub ee cudurka Korona ayaa celcelis ahaan gaarayay in ka badan 3,000 maalintii todobaadkii ugu horeyay ee bishaan juun  taasi oo ka dhigan in 50% ay sare u kacday Tirada isbuucii hore Tirada ayaa ka sara martay 3,574, khamiistii hore ee  ku beegneed 4-ta bishaan Juun, ka hor inta aaney hoos u soo dhicin Sodonkii bishii Maarso ayaa tiradii ugu badneyd waxaa ay gaartay 3,186  intii lagu guda jiray bilowga cudurka, iyadoo xiligaas ay Iiraan ka mid noqotay dlalka uu aadka fayrasku u saameyay marka laga soo tago dalka Shiinaha oo ah halkii uu ka soo bilowday  Waqtigaas, mas’uuliyiinta dalka Iiraan waxaa lagu dhalleeceeyay sida ay uga gaabiyeen xiritaanka masaajidda iyo goobaha muhiimka ah ee diinta ee magaalada Qom iyo in aan si dhaqso ah loogu dhaqaaqin xakameynta cudurka.

Kadib, bishii Abriil, markii tirada kiisaska cusubi ay hoos uga dhacday 1,000 ayaa Iiraan waxay bilowday inay fududeyso xayiraadihii ay horey u soo rogtay 20-kii bishii Abril: suuqyada ayaa dib loo furay sidoo kale waxaa dib u bilowday safaradii gobalada dalkaasi 22- bishii Abril: waxaa dib loo furay goobaha dadweynuhu isugu yimaadaan oo ay ku jiraan goobaha madadaalada 12 – bishii May dowladdu waxaa ay sheegtay in dhamaan masaajidda dib loo furi karo 25 – bishii May: waxaa dib loo furay xarumaha diinta ee ay leeyihiin Shiicada dalka Iiraan 26 -bishii May Maqaayadaha xarumaha dhaqanka iyo goobaha taariikhiga ah ee Dalkaasi ayaa dib loo furay Gaadiidka iyo xafiisyada bangiyada guud ahaan dalka Iiraan ayaa si caadi ah u shaqeynayay .

Markii hore faafidda cudurka waxaa ay ka jirtay magaalada Qom iyo caasimada Tehraan oo kaliye Balse hadda  waxaa la soo sheegayaa in koonfur galbeed ee dalkasi  gaar ahaanna gobolka Khuzestan  oo ah gobol saliida qani ku ah isla markaana xad la wadaaga Ciraaq uu cudurku ku badanyahay  Waxaa si cad u muuqata in kala fogaansho la’aanta bulshada iyo dabcinta xayiraadaha ay qayb ka qaateen faafitaanka Covid-19  balse saraakiisha ayaa qaba in mar walba oo sare loo qaado baaritaannada dadka iyo tijaabooyinka ay tirada dadka laga helayo cudurka badan karto.

Madaxweyne Xasan Ruuxaani ayaa sheegay in arrintaa ay ka dhigan tahay in mar walba oo la sameeyo baaritaanno badan la helayo kiisas badan Maxamed Mehdi oo ah madaxa ugu sareeya cudurada faafa ee Iiraan lana shaqeeya wasaaradda caafimaadka ee dalkaasi  ayaa sheegay in ay jiraan dad qaba cudurka balse aan laga helin calaamadaha xanuunka lagu garto.

“Sababta ugu weyn ee tirada u sii kordheyso ayaa ah inaan bilownay aqoonsashada dadka cudurka qaba ee aan lahayn astaamaha khafiifka ah “29-kii bishii May tiro kayar 11% oo laga qaaday baaritaanno ayaa laga helay cudurka balse 6-dii Juun tiradaasi kor ayay u kacday oo waxaa ay gaartay 14% Saraakiisha caafimaadku waxaa kaloo  tilmaameen in tirada dhimashada maalinlaha ah ee la diwaangeliyay ay ka hooseyso 100 ilaa bartamihii bishii Abriil Balse waxaa jira warar sheegayay in bishii Abriil tirada rasmiga ah ee dadka u dhintay cudurka ay ka badan karto inta la ogyahay ee ku kooban Isbitaalada.

Wasiirka caafimaadka ee dalka Iiraan Saciid Namaaki ayaa sheegay in dadku ay iska indho tireen sharciyada kala fogaanshiyaha bulshada “Dadku waxaa ay gabi ahaanba aaney ka taxadareyn cudurka,” ayuu yri mar uu la hadlayay wakaaladda wararka ee Iiraan “Haddii dadkeennu ku guuldaraystaan ixtiraamka talaabooyinka caafimaadka  waa inaan isu diyaarinnaa xaaladdii ugu xumayd” ayuu yiri wasiirka caafimaadka Iiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here