Maxaad ka taqaan Ciyaayara Dhaqanka Gobolka Shabellaha Dhexe

0
153

Jowhar(Idaacadda Isnaay)Bulsho kaste oo meel dagan waxa ay leedahay dhaqamo iyo ciyaaro ugaar ah ciyaarta falaar tuurka waa ciyaar siweyn looga xiiseeyo Magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Shabeellaha dhexe waxaana loo yaqaana kabdhood waana mid. bulshada soomaaliyeed ay kawada simanyihiin oo xiliyadii hore lagu dagaalami jiray lkn hadda waxa ay kamid noqotay hidaha iyo dhaqanka gaarka ah ee soomaaliyeed agabka lagu ciyaaro waxaa loogu yeeraa qaanso iyo falaar waxaa jira tartan laba koxood ah kooxda laga badiyo waxa ay bixisaa Raashinka dhaqanka ah ee Dalka gaar,ahaan Raashinka ay soo saaraan Beeraleeyda Magaalada Jowhar.
Ciyaaraha Gamuunka ama kabdhoodka waa ciyaar galab kaste laga ciyaaro Xaafadda Horseed ee Magalada jowhar waxaana usoo daawasho taga shacab badan oo labada koox ee ciyaareysa kala taageera si ciyaarta ay unoqoto mid xiiso leh.Waxaa Warbixintaan inoo soo jeedinaya:-Cabdicasiis Xasan Mucalim.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here