Duqa Magaalada Jowhar oo Bulshada Reer Jowhar oo ku baaqay in ay ka qeyb qaataan dhismaha wadada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar.

0
198

Jowhar(Idaacadda Isnaay)Duqa magaalada jowhar ee gobolka shabeellaha dhexe saalax muudeey cali iyo qaarkamid ah bulshada reer jowhar ayaa ku baaqay in bulshada ay iska kaashadaan sidii dib loogu dhisi lahaa wadada isku xirta muqdisho iyo jowhar.

Cabdulle saneey cumar oo kamid ah dadka farakutiriska ah ee haya taariikhaha gobolka ayaa sheegay in dhismaha wadad ay lafdhabar u tahay hormarinta dhaqaalaha gobolka shabeellaha dhexe.

Sikastaba ha,ahaatee wadada xiriirisa muqdisho iyo jowhar ayaa ah waddo burbursan waxaana bulshada gobolka ay kacodsanayaan maamulka hirshabeelle iyo madaxda dowladda dhexe ee dalka in ay kaqeybqaataan sidii dib loogu dhisi lahaa wadada xiriirisa muqdisho iyo jowhar.

Osman Abdalla Osman,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here