Man United Oo Si Lama Filaan Ah Dalab Uga Gudbisay Arturo Vidal

0
212

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay si lama filaan Ah Dalab uga gudbisay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Arturo Vidal.

Xiddiga Barcelona ayaa ku dhibaatooday in uu xilli ciyaareedkan si joogto ah ugu ciyaaro kooxda taas oo keentay in uu isaga tagi karo kooxda laakiin Red Devils ayaa si Rasmi ah xiiso ugu muujisay.

Man United ayaa lala xidhiidhinayay saxiixa Vidal xagaagii 2014 markii uu uu qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Juventus.

Si kasta ha ahaatee Red Devils ayaa isaga hadhay baacsiga xiddiga sabab la xidhiidha dhaawacyo joogto ah oo soo gaadhay xiddiga.

Vidal ayaa tan ilaa wakhtigaas noqday xiddigaha ugu fiican khadka dhexe isaga oo kooxaha Barcelona iyo Bayern Munich ku soo qaatay wakhti cajiib ah.

Wargayska Calcio Mercato ayaa sheegaya in ay Man United si lama filaan ah dalab uga gudbisay xiddiga khadka dhexe Sabab la xidhiidha in uu Ole Gunnar Solskjaer doonayo khibradiisa fiican

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here