Man United oo qorsheyneysa inay diyaariso dalab xoogan si ay u soo qaadato xiddig muhiim ka ah Atletico Madrid

0
192

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda kubadda cagta ee Manchester United ayaa qorsheeneysa inay diyaariso dalab xoogan si ay u soo qaadato xiddig ka tirsan Atletico Madrid xagaaga soo socda.

Red Devils ayaa indhaha ku haysa inay la soo saxiixato xiddiga reer Spain ee Saúl Ñíguez, sida laga soo xigtay wargeyska “Mundo Deportivo”.

Saúl Ñíguez ayaa loo arkaa inuu yahay mid ka mid ah hubka uu ku tiirsan yahay tababare Diego Simeone, marka loo fiiriyo xiddigaha ku sugan Wanda Metropolitano.

Manchester United ready to make move for £34million man – Old …

Wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Manchester United ay isku diyaarineyso inay miiska u saarto Atletico Madrid qiimo dhan 80 milyan euro, si ay Saúl Ñíguez kaga soo dajiso garoonka Old Trafford waqtiyada soo socda.

Si kastaba ha noqotee, heshiiska uu Saúl Ñíguez ku joogo kooxda Atletico Madrid ayaa wuxuu dhacayaa 2026, waxaana qiimaha lagu kansali karo heshiiskiisa la gaarsiiyay ilaa iyo 150 milyan euro.

Dhinaca kale Manchester United ayaa isku dayi doona inay ku qanciso ciyaaryahanka inuu ka tago kooxda Atletico Madrid, maadaama ay qorsheenayaan inay siiyaan toddobaadkii mushaar ka qaalisan kan hadda uu ka qaato Atletico.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here