Madaalihii hobollada Waaberi oo Muqdisho ku geeriyooday

0
211

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa waxaa  ku geeriyooday allaha unaxariiste madaalihii  hobollada qaranka Soomaaliyeed ee Waaberi Cumar Cabdulle Shooli.

Fannaanka ayaa u geeriyooday cudurka Sonkorta oo muddo la dheer uu la noolaa, markii dambena sariirta soo jiifiyay, sida ay sheegeen qaar kamid ah carruurtiisa oo kula jiray isbitaalka Aadan Cadde, iyagoo ka cabanayay in Aabahood uu waayay garabkii dowladda

Fannaanka oo maalmo kahor wareysi bixiyay, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya uu ka waayay qaymihii uu qarankiisa ku lahaa, isagoo sheegay inaanu jirin hal masuul oo xaaladiisa caafimaad ka warqabay ama isbitaalka kusoo booqday.

Guddoomiyaha golaha abwaaniinta Soomaaliyeed, Abwaan Xirsi Dhuux, ayaa sheegay Cumar Shooli iyo fanaaniinta lamidka ah inay hantidooda ahayd  dhaxalkii faneed ee ay uga tageen qaranka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here