Kulan lagu tageerayo hogaanka cusub ee isbitaalka guud ee gobolka Hiiraan oo lagu qabtay Baladweyne

0
254

Jowhar(Idaacadda Isnaay)Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa lagu qabtay kulan lagu soo dhaweynayay hogaanka cusub ee isbitaalka guud ee gobolka Hiiraan  islamarkana sidoo kale looga hadlayay ka hortaga cudurka karoona feyris ayaa waxaa ka qeyb galay dhaqaatiirta gobolka, iyo agaasimaha cusub ee isbitalka gobolka Hiiraan.

Agaasimaha guud ee isbitaalka gobolka Hiiraan Dr Maxamed Cumar Maxamed Muudaale iyo qaar ka mid ah dhaqaatiirta ka qeyb galay kulanka ayaa si wada jir ah u sheegay inay muhiim tahay in bulshada gobolka ay muujiyaan foojignaan ku saabsan cudurka karoona islamarkana ay ku dadaalan nadaafadda.

Warbixintan waxaa noo haya Maxamed Cabdi Saney.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here