Ciyaaryahan Drogba oo dalkiisa ka hirgeliyay isbitaal lagu dabiibo bukaannada qaba feyraska Korona

0
189

Xidiggii hore ee naadiga Chelsea Didier Drogba ayaa dalkiisa Ivory Coast ka hirgeliyay isbitaal si bilaash ah loogu dabiibo dadka qaba feyraska Korona.

Sida laga soo xigtay wargeyska Daily Mail ee dalka Britain Drogba ayaa ugu tala galay isbitaalkan in si gaar loogu daryeelo dadka uu ku dhacay feyraska Korona isaga oo maamulka isbitaalkana si rasmi ah ugu gacan geliyay xukuummadda dalkaas.

Xukuumadda Ivory Coast ayaa tallaabada uu qaaday cayaaryahan Drogba ku tilmaantay mid uu dabada ka riixayay dareen iyo damiir waddaninnimo.

Dadweynaha Ivory Coast oo si weyn u hadal hayay taabba-gelintan dhismaha isbitaalkan ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay arrintan, iyaga oo sheegay in ay ka markhaati kacayso dal jacaylka uu cayaaryahankaas u hayo dalkiisa Ivory Coast.

Drogba oo muddo u soo cayaaray xulka dalkiisa ayaa lagu xasuustaa 65 gool oo uu dhaliyay 105 kulan oo uu u saftay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here