Arsenal oo dab ku sii shiday loolanka loogu jiro xiddiga reer Brazil ee Philippe Coutinho

0
206

Baladweyne (Radio Beerlula)-Sida ay shaaca ka qaadeen wargeysyada ka soo baxa gudaha dalka England kooxda reer London ee Arsenal ayaa ku soo biirtay naadiyada xiiseynaya inay la saxiixdaan xiddiga reer Brazil ee Philippe Coutinho.

Philippe Coutinho oo ay milkiyadiisu leedahay kooxda Barcelona ayaa wuxuu dhamaanayaa heshiiska amaahda ah uu haatan ku joogo Bayern Munich dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxayna u badan tahay in heshiiska aysan ka dhigi doonin mid joogta ah, halka Barca aysan dooneynin inay sii heysato.

Sida laga soo xigtay wargeyska “The Sun” ee dalka England, Arsenal ayaa geli doonta loolanka loogu jiro helitaanka saxiixa Philippe Coutinho, iyadoo ay loolanka ku wehlinayaan kooxaha Chelsea iyo Manchester United.

Barcelona ayaa la dhibtooneysa inay hesho koox ka iibsata Philippe Coutinho, maadaama ay u muuqato inay dooneyso inay soo ceshato qiimahii ay kaga soo iibsatay Liverpool ee gaarsiisnaa 142 milyan oo ginni.

Barca ayaan wax dood ah ka qabi doonin in markale ay Philippe Coutinho ku dirto qaab amaah ah, balse waxay heshiiska qeyb kaga dhigi doontaa shuruuda ah in dhamaadka xilli ciyaareedka ay kooxda qaadato si toos ah ugu iibsato 75 milyan oo ginni.

Kooxaha xiiseynaya Philippe Coutinho ayaa bixin doona kala bar mushaarkiisa Barcelona, kaasoo ah 290,000 ginni isbuucii, haddii ay dhacdo in markale uu ku baxo qaab amaah ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here