Nemanja Matić oo shaaca ka qaaday farqiga u dhexeeya Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi

0
198

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xiddiga qadka dhexe reer Serbia iyo kooxda Manchester United ee Nemanja Matić ayaa shaaca ka qaaday farqiga u dhexeeya Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Nemanja Matić oo la hadlayay “Omnisport” ayaa wuxuu ka jawaabay su’aal ku saabsan xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, wuxuuna ammaanay labadan xiddig inta uu ku gudi jiray wareysiga.

Xiddiga khadka dhexe reer Serbia oo ka hadlayay labadan xiddig ayaa wuxuu yiri:

“Haddii aad su’aashaas weydiiso wiilkayga, wuxuu kuu sheegi doonaa in Cristiano Ronaldo uu yahay kan ugu fiican”.

“Laakiin aniga ahaan, waxaan u arkaa in Messi iyo Ronaldo ay yihiin ciyaartoy kala duwan”.

“Dabcan, Ronaldo wuxuu leeyahay hibo, laakiin inta badan guulahiisa waxay ku yimaadaan, sababa la xiriira shaqada adag uu qabanayo, halka Messi uu leeyahay hibo sare iyo qabashada shaqo adag, arrintu way cadahay farqi ayaa u dhexeeya”.

“Wey igu adag tahay aniga ahaan inaan go’aamiyo kan ugu fiican labadooda, 15-kii sano ee la soo dhaafay, Messi iyo Ronaldo ayaa ahaa kuwa ugu fiican, qaar ayaa u codeyn doona Messi, halka kuwo kalena ay u codeyn doonaa Ronaldo”.

“Wixii ay sameeyeen Messi iyo Ronaldo waa wax aan la rumaysan Karin, Joogitaanka heerkan aad ayey u adag tahay sanadahaas oo dhan, laga yaabee inay yihiin kuwii ugu fiicnaa taariikhda”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here