Arsenal oo qorsheeneysa inay soo qaadato xiddig ka tirsan Real Madrid,

0
200

Baladweyne (Radio Beerlula)-Maamulka kooxda Arsenal ayaa isku diyaarinaya bixitaanka la filayo ee gooldhaliyahooda reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Magaca Pierre-Emerick Aubameyang ayaa lala xiriirinayaa kooxo badan ee qaarada yurub ah oo ay ka mid yihiin Manchester United, Inter Milan, Barcelona iyo Paris Saint-Germain, kuwaasoo dhamaantood wada doonaya inay helaan adeegiisa.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Daily Mail” ee dalka England Gunners ayaa waxay bar-tilmaameed ka dhiganeysaa inay la soo saxiixato laacibka reer Serbia ee Luka Jović, si uu ugu noqdo badelka Aubameyang.

Warbixintan uu daabacay wargeyska reer England ayaa lagu xusay in Luka Jović uu ku dhibtoonayo xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee garoonka Santiago Bernabéu, wuxuu dhaliyay 2 gool oo qura, 24 kulan uu kaga soo muuqday maaliyada Los Blancos.

Laakiin rikoorrkan liita kama aysan hor istaagin macalinka reer Spain iyo kooxda Arsenal ee Mikel Arteta inuu ku fikiro xiddiga reer Serbia, si uu ugu buuxiyo booska uu ka baxayo Pierre-Emerick Aubameyang.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here