Maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo ka shiray joojinta qaadka laga keeno dalka Itoobiya

0
179

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa xerada AMISOM ee duleedka magaalada Baladweyne kulan kula qaatay saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka, kuwa AMISOM, booliska Baladweyne iyo xubno ka mid ah maamulka iyadoo kulan diirada lagu saaray sidii looga hortagi lahaa wax kasta oo sahli kara faafitaanka cudurka karoona gaar ahaan sidii loo xiri lahaa xadka gobolka uu la wadaago dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Abaandulaha qeybta 27-aad ee ciidamada xoogga dalka Generaal Saalax Qoomey Muuse Yacquub ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida oo kaashanaya kuwa AMISOM ay ka howgali doonaan joojinta qaadka laga keeno dalka itoobiya si looga hortago cudurka karoona.

Taliye ku xigeenka qeybta afaraad ee ciidamada Korneel  Gebr Selassie ayaa sheegay inay abaabuli doonaan cid kasta oo ay queyso si looga hortago cudurkan.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in muhiim ay tahay in bulshada ay muujiyaan foojignaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here