Kooxda PSG oo ay xaaladdu ku xuntahay

0
224

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda reer France ee PSG waxay si la mid ah kooxaha kale ee Yurub ku jirtaa xaalad aanay hubin sida ay ku dambayn doonto, iyadoo ciyaartoygeeda ay heshiisyadoodu dhammaadka yihiin, kuwaas oo bisha June dhammaadkeeda xor u noqon doona inay iskaga baxaan magaalada Paris xilli horyaalku aanu wali dhammaanin.

Inkasta oo FIFA ay soo kordhisay sharci cusub oo ciyaartoyda kusii haynaya kooxahooda ilaa inta uu ka dhammaanayo xili ciyaareedku, haddana PSG waxa saaran culays weyn oo kaga yimid xanuunka Coronavirus oo dhaqaalaheeda hoos u dhigay si la mid ah kooxaha kaleba, waxaana bixitaan isku diyaarinaya qaar ka mid ah xiddigaha ugu miisaanka culus.

Tiago Silva iyo Edinson Cavani oo sannado badan aas-aasi u ahaa PSG ayey heshiisyadoodu dhammaanayaa bisha June, sidoo kalena ma jiraan saansaan muujinaysa in ay dhici karaan wada-hadallo lagu kordhinayo qandaraaskooda oo Parc des Prince kusii haynaya xili ciyaareed kale.
Edinson Cavani ayaa laga doonayaa Atletico Madrid, sidoo kalena kooxo Ingiriis ah ayaa raadinaya, balse laacibka reer Brazil ayaan isaga cidina ka war qabin halka uu ku dambaynayo.

Siddeed sannadood oo uu joogay PSG oo uu inta badan ahaa kabtanka iyo hoggaamiyaha waxay warar aan la hubin tilmaamayaan in kooxdiisii hore ee AC Milan iyo naadiga reer Spain ee Barcelona ay doonayaan in heshiis hal sano ah ay la gaadhaan.

Difaaca reer Belgium ee Thomas Meunier ayaa isaguna si xor ah u tegaya, waxaana bishii January la sheegay inay dhawr kooxood ka gudbiyeen dalabyo, laakiin ugu dambayntii Borussia Dortmund ama Arsenal ayaa ah kuwa lala xiriirinayo.

Sidaas oo kale, difaaca bidix ee Layvin Kurzawa ayaa isaga oo xor ah bixin doona funaanadda PSG dhamaadka xili ciyaareedka marka uu dhamaado heshiiskiisu. Barcelona iyo Sevilla ayaa ah kooxaha ugu horreeya ee ku hirdamaya balse Arsenal iyo kooxo kale ee Premier League ah ayaa tartanka aan ka maqnayn.

Dhinaca kale, Angel di Maria ayaa hal sano oo kali ahi ka harsan yahay heshiiskiisa, waxaanay tahay in PSG ay go’aan ka gaarto xagaaga haddii ay u kordhinayso qandaraaska iyo haddii ay tahay inuu iska tago sannad kaddib.

Neymar iyo Kylian Mbappe ayaa iyagana hubanti la’aan mustaqbalkooda ahi jirtaa, waxaana labadaba laga doonayaa waddanka Spain, Neymar ayaa lala xiriirinayaa Barcelona, halka Kylian Mbappe uu Real Madrid diiraddeeda ku jiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here