In ka badan 30 qof oo culimo ah oo ku dhawaacmay biriq haleeshay

0
192

JOWHAR (Radioisnaay)Ugu yaraan 30 Culimada Suufiyada ah ayaa ku dhaawacmay biriq haleeshay goob ay degenaayeen oo ku talla tuulada Bullaale oo ka tirsan degmada Dhagax-buur ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Cisbitaalka Dhagax-buur ayaa la dhigey culimada ku dhaawacantay biriqda oo ka dhalatay Roobab mahiigaana oo halkaasi ka da’ay.

Biriqda ayaa ku dhacday xilli roobab xooggan ay ka da’yeen degaanka Saacaddihii lasoo dhaafay.

Xaalada Culimada ayaa ah qaarkood mid liidatada, waxaana dhaqaatiirta ay sheegeen in ay ku howlan yihiin sidii loola tacaali lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here