Imisa Lacag Ah Ayaa Lagu Helaa Abaal-marinta Ballon d’Or Ee Markii 7aad Uu Lionel Messi Ku Guuleystay?

0
374

JOWHAR (Radioisnaay) Ballon d’Or waa abaal-marinta ugu qaddiimisan, uguna sumcadda iyo karaamada badan ee la siiyo ciyaartoy, taas oo ah aqoonsi iyo sumad uu sidanayo inta uu nool yahay oo caddayn u ah inuu noqday ciyaartoyga ugu wanaagsan dunida.

Majaladda Faransiiska ah ee France Football ayaa abaal-marintan ku bixiya codayn ay sameeyaan wariyeyaasha kubadda cagta wax ka qora, tababareyaasha xulalka qaramada iyo sidoo kale kabtanada.

Lionel Messi ayaa markiisii toddobaad ku guuleystay, isaga oo ku garaacay Robert Lewandowski oo kaalinta labaad galay iyo Jorginho oo saddexaad noqday, halka Karim Benzema uu kaalinta afraad u dhacay.

Abaal-marintan waxa la abuuray sannadkii 1956kii, waxaana markii ugu horreysay ku guuleystay xiddig lagu magacaabo jiray Stanley Matthews. Sannadkii 1991kii ayaa laga garab bilaabay abaal-marinta kale ee FIFA bixiso ee FIFA World Player of the Year, taas oo 2010 ay midoobeen Ballon d’Or.

Heshiiska u dhexeeyey FIFA iyo France Football waxa uu ku ekaa 2016,sidii ayaanay ku kala gurteen oo ay Ballon d’Or oo kaligeed ahi dib usoo ceshatay magaceeda.

Ballon d’Or waxa intii ka horreysay 1995kii ay gaar u ahayd ciyaartoyda u dhashay qaaradda Yurub, hase yeeshee, waxaana waqtigaas oo laga dhigay mid ciyaartoyda Yurub ka dheesha ah ku guuleystay Weah oo ah xiddiga kaliya ee Afrika ah ee illaa hadda hantay. Sannadkii 2007 ayaa lasii ballaadhiyey Ballon d’Or oo ay noqotay mid lagu qiimeeyo ciyaartoyda dunida oo dhan meel kasta  oo ay joogaan, kuwaas oo kaliya lagu kala saaro xirfaddooda balse Yurub oo ay ka dhisan yihiin kooxaha ugu dhaqaalaha badan ayaa ciyaartoy kasta oo wanaagsan soo iibsata, sidaas ayaanay abaal-marinta Ballon d’Or u tahay mid ay wali hantaan laacibiinta ka dheesha qaaradda Yurub, inkasta oo ay waddamo kala duwan kasoo jeedaan.

Waa imisa qiimaha lacageed ee ay ku fadhiso Ballon d’Or?

Abaal-marinta Ballon d’Or waxay waqtigan tahay mid aad u qiimo badan oo leh dhaqan soo jiidasho, taas oo aanay xataa lacagtu goyn karayn. Dherka Ballon d’Or waa 28 cm, ballaceeduna 22 cm, halka culayskeeduna yahay 12kg.

Haddii lacag ahaan loo qiimeeyo, Ballon d’Or waxyar ayuu qiimaheedu ka  badan yahay 3,000 Euro waana marka laga eego waxyaabaha ay ka samaysan tahay oo dhamaan lagu qariyey dahab, hase yeeshee kama soo heli kartid suuqyada iyada oo iib ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here