Hordhaca: Wolves Vs Chelsea

0
58

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Chelsea ayaa kulankaan galeysaa iyadoo mar kale dib ula midoowday macalinkoodii hore ee Lampard kaasi oo la filayo in uu u yeeri doono saaixbkiisa Mount kaasi oo aan ciyaarin tan 26-kii bishii labaad ee sanadkaan

Dhammaan seddexdii guulood ee Wolves ee Premier League ee ay ka badisay Chelsea waxa ay ka dhaceen Molineux. Frank Lampard ayaa u ciyaaray Blues guuldaradii 1-0 ahayd ee January 2011 wuxuuna ahaa maamulaha guuldaradii 2-1 ee December 2020.

Wolves ayaan wax guul ah gaarin afar kulan Premier League oo a la ciyaartay Chelsea  tan iyo markii ay 2-1 kaga badiyeen Molineux bishii Diseembar 2020 (3 barbaro iyo 1 guuldarro ah).

Wolves ayaa badisay kaliya hal kulan iyadoo ay aruursatay  shan dhibcood todobadii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka.