Hordhaca: Liverpool vs Chelsea

0
91

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Liverpool iyo Chelsea ayaa maanta ku kulmaya gegida Anfield kulan imanaya xilli ay labada kooxoodba xaalado xun ku jiraan.

Blues iyo Reds ayaa xilli ciyaareedkan lasoo dhibtooday qaab ciyaareed xumo iyo dhaawacyo badan, arrinta xiisaha leh ayaa ah inay isku dhibco yihiin oo ciyaartan si weyn ugu tartami doonaan.

Liverpool ayay dhaawacyo kaga maqnaan doonaan xiddigaha kala ah Arthur Melo, Luis Diaz, Diogo Jota, Tsimikas iyo Virgil van Dijk.

Reds waxa usoo kabtay weeraryahan Darwin Nunez oo kulamadii ugu dambeeyay dhaawac kaga maqnaa. Daafaca dhexe ayaa lagu wadaa inay Joel Matip iyo Ibrahima Konate markale kusoo wada bilawdaan.

Khadka dhexe ee Liverpool ayay kasoo wada muuqan karaan saddexda xiddig ee waaweyn ee Fabinho, Henderson iyo Thiago halka la filayo in Nunez weerarka kala dheelo Salah iyo saxeexa cusub ee Cody Gakpo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here