HORDHAC: West Ham v Chelsea

0
102

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Chelsea oo aad ugu hamuun qabta inay wadada guulaha kusoo laabato ayaa maanta martiyaysa dhigeeda ay magaalada London wada degaan ee West Ham United.

Kulankan London Derby-ga ah ayaa xoog muhiim ugu ah mustaqbalka tababaraha Blues ee Graham Potter oo mulkiile Todd Boehly si weyn uga soo taageeray suuqii January kaddib siddeed saxeex oo uu kusoo xoojiyay.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Thilo Kehrer ayaa ah xiddigii ugu dambeeyay ee ku biiray liiska dhaawacyada Hammers, sidoo kale waxa David Moyes ka maqnaan doona Alphonse Areola, Kurt Zouma, Maxwel Cornet, Danny Ings iyo Gianluca Scamacca.

Chelsea waxa usoo laabtay Joao Felix oo kulamo dhawr ah casaan kaga maqnaa kaddib kaadh casaan uu qaatay kulankiisii ugu horreeyay ee Premier League ah.

Chelsea waxa ka maqnaan doona Edouard Mendy, Wesley Fofana, N’Golo Kante, Mateo Kovacic, Denis Zakaria, Christian Pulisic iyo Armando Broja.

Felix ayaa shaxda kusoo laaban kara isagoo booska kala baxaya Kai Havertz, saxeexa kale ee cusub ee Noni Madueke ayaa la filayaa inuu markale keydka kusoo bilawdo.

Shaxaha Macquulka Ah

West Ham (3-4-2-1): Fabianski; Johnson, Ogbonna, Aguerd; Coufal, Paqueta, Rice, Emerson; Bowen, Benrahma; Antonio

Chelsea (4-3-3): Kepa; James, Thiago Silva, Badiashile, Cucurella; Gallagher, Fernandez, Mount; Sterling, Felix, Mudryk

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: London Stadium

Wakhtiga: 3:30 galabnimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Craig Pawson