HORDHAC: Real Sociedad v Real Madrid

0
90

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Real Sociedad oo doonaysa inay adkaysato booska afraad ee horyaalka La Liga ayaa caawa garoonkeeda Anoeta Stadium ku qaabilaysa kooxda booska labaad joogta ee Real Madrid.

Real Madrid oo koobka La Liga uga samirtay Barcelona oo la fogaatay ayaa kulankan caawa ciyaaraysa iyadoo il ku haysa Finalka Copa Del Rey ee ay toddobaadka dambe Osasuna la ballansan tahay.

Wararka Labada Kooxood

Tababare Imanol Alguacil ayaa markale aan ku xisaabtami doonin xiddigaha dhaawaca kaga maqnaa ee Sadiq Umar iyo Martin Merquelanz balse Diego Rico ayaa usoo laabtay.

Dhinaca Real Madrid waxa dhaawacyo ku maqnaan doona xiddigaha kala ah Ferland Mendy, David Alaba iyo Luka Modric halka Vinicius iyo Camavinga ay ganaax ku seegayaan ciyaartan.

Militao iyo Rudiger ayaa markale daafaca dhexe kasoo wada muuqan doona halka Nacho iyo Carvajal la saadaalinayo inay garbaha daafaca dheelaan.

Valverda, Tchouameni iyo Ceballos ayaa saddexleyda khadka dhexe noqon kara iyadoo la filayo in Toni Kroos la nasiyo halka Rodrygo iyo Marco Asensio garbaha weerarka ka caawin doonaan Asensio.

Shaxaha Macquulka Ah

Real Sociedad (4-3-3): Remiro; Elustondo, Zubeldia, Le Normand, Munoz; Merino, Zubimendi, Mendez; Kubo, Sorloth, Oyarzabal

Real Madrid (4-3-3): Courtois; Carvajal, Militao, Rudiger, Nacho; Valverde, Tchouameni, Ceballos; Asensio, Benzema, Rodrygo
Xogta Kulanka
Tartanka: La Liga
Garoonka: Anoeta Stadium
Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Juan Luis Pulido